Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Uur Kala fogeenta carurta dhalis ka dib

Kala fogeenta carurta dhalis ka dib

Kadib markii aad canug dhashid (xubin taran ahaan ama qaliin ahaan), ugbaxa ayaa dhacayo ka hor caadada ugu horeyso aad yeelatay kadib dhalmadaada. Sidaas darteed waa suurtogal in uur la qaado markale ka hor intaadan helin caadadaada koowaad. Uurka wuxuu ka dhici karaa laga bilaabo lix isbuuc kadib markii aad dhashid, xittaa haddii aad naasnuujineysid.

Kadib markii aad dhashid, isticmaal ka hortaga uurka ee waqtiga koowaad aad galmo sameysid haddii aad rabtid inaad ka fogaatid uur kale.

Qaababka ka hortaga uurka xiggo wuxuu la socon karaa naasnuujintaoo waxaa jiro sharaxaado badan ee iyaga ku saabsan websaydka www.sexandfacts.ch

Faalo

  • Ka hortaga uurka degdega ayaa la isticmaali karaa inta lagu jiro naasnuujinta.
    Warbixin dheeraad ah
  • Wixii dumarka aan naas nuujineynin ama joojinayo naasnuujinta, qaababka kale ee ka hortaga uurka ayaa la isticmaali karaa. Kala hadal dhaqtarkaaga wax ku saabsan midaan.

Kadib markii aad dashid, naasnuujinta waxay daahin kartaa caadadaada oo waxay sidaas darteed ka hortagi kartaa uur dheeraad ah haddiiba sharuudaha xiggo la buuxiyo:

  • Haddii aad si xoogan u quudisid ugu yaraan 6 quudin 24 tii saacadood, oo mid ay tahay inta lagu jiro habeenkii.
  • Quudintaada xoogan, oo aan jriin quudinta dhalada caanaha, shaaha dhirta ama biyaha gabi ahaanba.
  • Caadadaada ma bilaabaneyso markale.

Waxaa lagaala taliyay inaad la tashatid umuliso ama dhaqtar ee qabo tababarka LAM (qaabka ma dhaleysnimada dhalmada kadid), ee loo yaqaan Switzerland sida MAMA, iyo in la qorsheeyo xili hore ka hortagee uurka ayaad jeclaan laheyd inaad isticmaashid kadib markii aad joojisid naasnuujintaada.

Qaabkaan looguma tallin lamaanayaasha oo si hubaal u rabaan inay ka fogaadaan uur dheeraad ah inta lagu jiro muddada naasnuujinta.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Kulanka galmada ayaa soo laaban karo markii shaqsiyaadka diyaar dareemaan. Caafimaad ahaan, kulanka galmada ayaa suurtogal ah markii jeex walba bogsoodo, ama tolmada baaba’do. Haddii aad qabtid wax dhibaatooyin ah, haka cabsan inaad la xiriirtid umuliso ama dhaqtar. Warbixin dheeraad ah
  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada xubinta taranka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch.

2021, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan