Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Kondhomka ragga

Kondhomka ragga

U isticmaal si saxah, salbatiibada raga waa kahortag loogahortago iyo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshilka. 

Isticmaal kondhom cusub waqti walba guska galayo siilka ama dabada.

Muxuu yahay ?

Waa gal "far" kasoo loogu talagalay guska. Badankiis dufan ayuu leeyahay. 

Qaabkuu wax u qabto

Marka la gashto, salbatiibada waxay diideysaa shahwada inay gasho siilka iyo minka ama hadii xaga dabada la isaga tago. 

Dardaaran

  • Gado oo kaliya salbatiibooyinka fiican. Waxaana lagu fahmaa markuu "OK" ama "CE" ku qoran.
  • Ilaali taariiqda ay dhaceyso.
  • Baakad ku haay, ka ilaali nalka, kuleelka iyo waxyaalaha dilaacinkaraan.
  • Isticmaal qotaanka sulubka ah ee boyaha ama jeelka silikoonka. Kareemyada (Fasaliinta, saliidaha, subaga), boomaatooyinka iyo caabuqa fangaska ama daaweynada burooyinka waxay waxyeeli kartaa kondhomka latex. Haddii aad u isticmaaleysid kareem ama caagaga caabuqa daaweynta siilka ama dabada, weydii dhaqtarkaaga haddii lala isticmaali karo kondhomyo. Haddii shaki ku jiro, ka fogow galmada.
  • Waxaa jiraan cabir ama qaab kala duwan salbatiiba. salbatiibada waa inay ahaataa cabir iyo qaab loogu talagalay guska taxadar ahaan (si loo yareeyo qatarta dilaaca ama ku siibashada.). www.mysize.ch
  • Hadii adiga iyo qofka aad wax lasameeyneysid arleeji ku yahay nooca maro marad ah isticmaal mida dabiiciga ahayn. Iska wargali !
  • Saad u dareentid fudeed Kaligaa tabobar samee si aad u fahantid sii loo galinaayo. Kadib way fududaanee markaad labo tihiin. Lamaanaha ugula hadal. 

Isticmaalka 

1. Fur bacda ayku jirto idiga oo iska jiraaya inaadan salbatiibada cidiyahaaga ku jeexin, ee ka ilaali waxkale oo mudikaro.

2. Qanjirka maqaarka gadaal u celi.
3. Riix meesha dhuuban labadaada far dhexdooda si ay aariyada uga baxdo, si oo boos oo shahwada galikarto u banaan.

4. Guska gali salbatiibada asagoo kacsan.Faraantiga waa inuu uwaraagsanyahay guska dhiniciisa. Kadibna furfur salbatiibada ilaa hoos.

5. Kadib markaad biyo baxdid, kahor intuusan kacsiga kaa daminin kasoo bixi guska siilka ama dabada. Kataxadar salbatiibada hoos inaad qabatid si aysan ufakanin oona shahwada ugu daadan siilk ama dabada.

Isticmaal salbatiiba hal mar kaliye.

Kadib markaad isticmaashid, kutuur qashinka ee haku ridin musqusha.

Xaalada degdega

Codsiga ka hortaga uurka degdega haddii aadan si ku fillan uga illaalsaneyn uur:

  • Innuu cinjirka dilaaco ama meeshiisa ka durko
  • Markay wasmo jirtay oo uuraysiga la iska ilaalin ama si fiican la iska ilaalin (Coitus interruptus/qaabka kasaarida; ama galmada aan la isla oggolaan, tusaale ahaan.)

Ka hortaga uurka degdega wuxuu yareeyaa halista uurka. Waa in la qaataa sida ugu dhaqsida badan ee suurtogalka ah, laakin waa inaysan ka dambeyn 72 ama 120 saacadood ka dib markii aad sameysid galmo aan illaalsaneyn, waxay ku xirantahay nooca ka hortaga uurka degdega ah ee la isticmaalay. Sida ugu dhaqsiha badan sida wanaagsan ee lagu taliyo (Fiiri "Ka hortaga uurka Degdega ah").

Halkee ayaad ka heli kartaa ka hortaga uurka degdega?

  • Farmashi
  • Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka galmada iyo ka hortaga uurka
  • Dhaqtarkaaga durmarka ama dhaqtar walboo kale

Codso Ka hortaga caabuqa aydhiska (PEP) haddii aadan si ku fillan uga illaalsaneyn caabuqa HIV (AIDS):

  • haddii kondhomka dilaaco ama jeexmo
  • haddii kondhomka ku haro siilka ama dabada

Daawada Antiretroviral waxay yareysaa halista in gaaro HIV. Daaweynta waa inay ku bilaabataa gudaha 48 saacadood iyo dhaqsidiiba sida wanaagsan. Daaweynta waxay socotaa afar isbuuc. Qarashka waxaa lagu daboolaa caymiska caafimaad.

La tasho dhaqtarkaaga si lagaaga baaro caabuqyada kale ee galmada la xiriiro.

Halkee ayaad ka heli kartaa PEP?

Qaar ka mid ah caabuqyada galmada laga qaado (STIs) waxay sidoo kale u gudbi karaan dhinaca taabashada tooska ah ee dhafiga xuubta (guska, siilka, afka iyo dabada) ama taabashada maqaar ku maqaar. Do the Hubinta Galmo Badbaado ah si aad u ogaatid sida wanaagsan ee aad u illaalin kartid nafsadaada.

Warbixin sharaxan ee ku saabsan caabuqyada galmada laga qaado

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan