Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Isdurista 3 bilood laha

Isdurista 3 bilood laha

Muxuu yahay ?

Is durista saddex bilood laha ahi waa irbad ay ku jirto maadooyinka hoormoonka ee u dhigma ka barojestojin, mid ka mid ah hoormoonada ay soo saaraan ugxan sidayaashu. Irbad sadex bilood laha ah waxey celisaa uurka ilaa 12 isbuuc.

Qaabkuu wax u qabto

  • Waxay diidaa inay bacramin imaado nasiinodheer ayay galisaa ugxamaha.
  • Waxay wax ku sameeysaa maqaarka minka kaasoo marnaba isdiyaarinin inuu sameeysto buul.
  • Waxay adkeysaa dhareerka afka minka iyo waxay kaloo sameeysaa xuduud ay shahwada soo gaari karin.

Isticmaalka

Waxaa la iskuduraa :

  • marka ugu horeeyso 5 maalin ee ugu horeeyso caadada ama 10 maalmood kadib markaad dhashid.
  • kabacdi waxaa lagu duraayaa 12 isbuuc markey kuu dhamaato,laakiin sii sameyso balanka 10 isbuuc kadib: hadii ay kuusuuroobiwaydo waxaa kuu harsan 15 bari !
  • Wax tarkiisa wuxuu bilaab mayaa 10 bari kadib malinkii kowaad ee lagu duray waxayna ku heeynee 12 isbuuc.
  • Cirbada waxaad isaga durikartaa dhaqtarkaaga ama xafiiska qorshaha qoska. Xaaladaha qaarkood, gabadhu waxay baran kartaa in ay iyadu irbadda maaraysato oo ay isticmaasho.

Weli waxaad ogaataa…

...Isdurista sadex bilaha waxay keeni kartaa dhiig aan joogto aheyn islamarkii lagu guduro. Dhiigaas tartiib tariib ayuu uyaraanayaa ilaa uu asaga dhan istaago, kaasoo marlabaad imaankara. Waxba hawalwalin, waacaadi.
...joojinta cirbada, caadada iyo bacriminta tartiib bay u imaan doontaa laakiin waxay ku xirantahay qofka suu yahay, waxay gaari kartaa (2 isbuuc ilaa 1 sano).

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan