Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Uur Uurka, Galmada iyo Ka hortagga uurka

Uurka, Galmada iyo Ka hortagga uurka

Muddada uurka iyo dhalashada ilmaha ka dib, galmadu waxa lammaane kastaa ula kulmaa qaabab kala duwan. Isbeddeladu waxay ku dhacaan jirdhka haweenayda oo baqdinta waxyeelaynta ilmaha aan dhalan waxay saamayn kartaa galmada. Rabitaanka galmada, labbadaba ninka iyo haweenayda, way isbeddeli karaan.  Lammaanayaasha qaarkood waxay door bidaan inay ku muujiyaan galmadooda qaabab kale halkii ay ka samayn lahaayeen galmo is gelin ah (galmadda siilka), tusaale ahaan, iyagoo isa salaaxaya ama galmo afka ah.

Muddada Uurka

Galmada (farjiyeed) ee galaysa ma keento wax halis ah iyaddoo aanay:

  • Iyadda oo ay jiraan isku soo urur xiligiisii ka soo horeeyay oo qoorta ilma galeenku (qoorta ilma galeenka) ay furantay, ama haddii madheerta ay jiifto meel hoose oo ay ku gedaamantahay qoorta ilma galeenka.
  • Biyaha waa la jebiyay.
  • Waxaa jira dhiig bax.

Ka dib Dhalashada ilmaha

Dhalista ilmahu waa dhacdo caadifad leh oo waxay ku qaadataa wakhti haweenayda inay ka bogsato ummulista.

Haddii aanay jirin wax asbaabo caafimaad ahi oo lid ku ah, galmada is gelinta waa suuragal marka rabitaanka galmadu so noqdo iyo marka waxii tolitaan ahaa ee la socday ummulista ama qaliinka uurka ilmaha laga soo saaro si buuxda uu u bogsaday.

ka baqashada xanuunka ama sababida waxyeelada ee nabarka waxay yarayn kartaa xiisaha galmada iyo natiijo ahaan rabitaanka galmada. Inta badan way fududahay in la maleeyo in nabarku uu aad uga wayn yahay inta uu dhab ahaan yahay.

Qalaylka siilka waxa uu ku dhici karaa haweenka naas nuujinaya. Isticmaalka candhuuf ama kiriim jilcinaya ayaa kan caawin kara.

Ka hortagga uurka

Waa muhiim in la doorto qaab ku habboon ka hortagga uurka ka dib ummulista haddii uur kale aan isla markaaba la rabin. Haweenaydu waxay sii dayn kartaa ugxanta oo ay uuraysan kartaa xataa ka hor xiligeedii inta aanu dhiiga caadadu (dhiiga caadada) aanu isbeddelin, iyo sidoo kale markay naas nuujinayso. Baadhitaanka uurka ka dib waxa uu dhacaa dhowr todobaad ka dib ummulida waana wakhti u wanaagsan in laga wada hadlo. Adeegyada taranka caafimaadka leh iyo galmada ee Switzerland sidoo kale waxay bixiyaan talo ku saabsan ka hortagga uurka.

Qaabka ka Hortaga uurka ee Suuragalka ah Marka la Naas nuujinayo

  • Cinjirada kondhomka ee labka iyo dheddiga
  • Kiniinka ka hortagga uurka (sida kiniinka ka hortagga uurka; ku beerida hormoonka ee ka hortagga uurka; ama tallaalka 3 bilood ee kasta).
  • IUD (qalabka birta u samaysan sida ama wareega ee ka hortaga uurka)
  • Rabadhka wareegsan ee ka hortagga uurka
  • Hoosta qaar, shuruudo gaara ah, naas nuujintu waxay sidoo kale meteli kartaa ka hortagga dhalmadda. Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa dhakhtarka ama ummulisada.

2016, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

 

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan