Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Dariiqa caadiga ah ee la isaga ilaaliyo uurka daawo la'aan

Dariiqa caadiga ah ee la isaga ilaaliyo uurka daawo la'aan

(Kala fogeenta arurta sida dabiciga ah)

Muxuu yahay ?

Dariiqa caadiga ah waxay ku saleeysantahay ilaalinta naagta calaamada iyo astaanta xiliga ay bacrimineyso ama caadada ay heleyso.
Waxay ubaahan tahay in labada lamaane ay iska ilaaliyaan isutaga inta lagu jiro xiliga ay naagtu ukumaheeda ay diyaar yihiin ama isticmaala (salbatiibo dumarka ama rageet ama isbaaro kahortag).
Hadii taqaanid xiliga aad bacramisid, dariiqaas xitaa waxay wax tarkuugu leedahay markaad rabtid inaad uur yeelatid.

Dariiqyo kaladuwan

1. Dariiqa qandhada waxay ku saleeysantahay cabirka qandhada subaxkasta marka la soo tooso. Wareega cabirka wuxuu kuu sheegayaa haddeey qandhada wax yar kor u kacdo si joogti ah halkaasuuna isku dhowrayaa xiligii ugxansidayaasha ey dhamaatay oona bilaawday xiligii ay ukumahaaga bacriminlahaayeen.
2. Dariiqa ilaalinta dheecaanka naagta loogu yaqaano dariiqa "Billings" waxay ku xirantahay ilaalinta naagta dheecaankeeda siduu u imaanaayo iyo dareenka uu sameeynaayo. Sidaas waxaa lagu ogaankaraa xiliga bacriminta.
3. Dariiqa calaamada qandhada ama dariiqa indho kuqiyaasida waxee isku keenayaan:

  • Qandhada
  • Ilaalinta dheecaanka
  • Taabashada minka afkiisa ayaa waxaa kadareemi kartaa isbadelka xiliga wareega caadada
  • Caalaamadaha kala duwan ee ku wareegsan maalmaha bacraminta (mindhic irxanuuno, naasaha oo bararo)

Heyadan waxay kordhinee waxtarka kahortaga.

Weli waxaad ogaataa…

… Waxtarka dariiqyadan waxay ku xirantahay sida ay isugu dhiiragaliyaan labada qof ee isqabta iyo sida ay uxurmeeyaan sharciyada kor xusan.

… Ku dhaqankeeda aad bay u adagtahay inta lagu gudojiro dhalinyarada, xiliga naagaha ay udhowyihiin inay caadada katagto, ama markay caadadaada tahay mid aan toosneen.
… Dariiqan wuxuu kugu adkeeynayaa inaad xoog saartit ilaaliska maalinwalba calaamada kaladuwan, eena tartiib tariib meel lagu qoro.
Tababar oo 3 ilaa 6 caado (bilood) ayaa loo baahanyahay. Waa in dad cilmi u leh ineey kula ogaadaan.
…Dariiqooyinkaan waxay u baahantahay in isutag la joojiyo ama kahortag dheeraad la isticmaalo xiliga lagu jiro bacriminta.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

 

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan