Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Mareeguhu

Mareeguhu

Mareeguhu waa aalado uu dhakhtarku galiyo makaanka. Waxay ka shaqeeyaan gudaha makaanka. Waxaa lagula talin karaa dumarka oo dhan (haddii ay caruur leeyihiin iyo haddii ayna lahaynba) iyadoo aan loo eegayn da’da. Mareegaha waxaa muddo dhowr sano ah la isaga ilaaliyaa uurka.

Galinta iyo iska bixinta mareegta

Mareegta waxaa la galiyaa makaanka kadib marka uu dhakhtarka arinkaa qaabilsan ogalaado, kadib marka la nadiifiyo siilka. Looma baahna in mareegta mardanbe la badalo, dhakhtarka ayaa si fudud u bixin kara mareegta, waxaa faa’iidadaas keenay xarigga nayloonka. Marka laga bixiyo islaantu markale ayay uur yeelan kartaa.

Mareegta kobarka ah (Qalabka Makaanka la Galiyo IUS)

Mareegtu waxay leedahay qayb yar oo balaastik ah, kaas oo qayb ahaan uuu ku dablolanyahay xarig kobar ah wuxuuna leeyahay laba xarig oo nayloon ah. Sidoo kale waxaa jira nooc lagu xiro makaanka dhexdiiisa.

  1. Aalad yar oo balaastik ah
  2. Xarig kobar ah
  3. Xarig nayloon ah
  4. Tuubada ugxan mareenka
  5. Ugxan sidaha
  6. Makaanka (ilma galeenka)
  7. Siilka

Sida uu u shaqeeyo

  • Kobarku wuxuu sababaa in ay minidu noqoto mid aan wax bacrimin karin.
  • Mareegtu waxay badashaa unugyada ku taxma makaanka (indhomitiriyaam) wuxuuna ka celiyaa in ay ukuntu ku dhagto.
  • Mareegtu wax saamayn ah kuma lahan habka wareegga hoormanada ee dumarka.

Mareegtani mararka qaar waxay sababtaa caado dhiig oo wayn taasoo waliba xanuun badan. 

Mareegta hoormooneed

Mareegtani waxay ka samaynsanyahay balaastic jilicsan waxaana ku wareegsan silandhar yar. Waxaa kujira hoormoonka sida joogtada ah loogu sii daayo makaanka.

  1. Silandhar ay ku jirto dheecaanka baroojestojiin (hoormaanka dhadigga)
  2. Tuubooyinka ugxan mareenka
  3. Ugxansidaha
  4. Makaanka (ilma galeenka)
  5. Siilka

Sida ay u shaqayso

  • Adkaanshaha xuubka minka (xuubka makaan). Tani waxay minida ka celinaysaa in ay gasho makaanka.
  • Darbiyada makaanku waxay noqonayaan kuwo dhuuban, sidaas owgeedna ukunta bacrinta ma awoodi karto in ay ku dhagto.

Caadadu waxay noqon kartaa mid fudud, xanuun yar ama mid ay kala fagaato inta ay isu jirto. Sidoo kale way wada istaagi kartaa.

Si dhakhso ah u raadso gargaar caafimaad…

  • haddii ay jirto dhibaato gudaha ah aanad garanayn.
  • mareegta kobarka ah: Haddii aad waydo caadadii (dhiigii)
  • oo ay la socdaan calaamado gubasho/olol, cuncun ama wax qarmuun oo soo baxaya.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch.

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan