Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Uraysi iska ilaalinta gurmad degdega

Uraysi iska ilaalinta gurmad degdega

Uuraysi iska ilaalinta gurmad degdega ah wuxu joojin karaa uuraysiga markay dhacdo

  • Innuu cinjirka dilaaco ama meeshiisa ka durko
  • Marka la ilaabo uuraysi iska ilaalinta hoormoonka ah (kiniinka, qalab siilka la geliyo, flastarka)
  • Markay wasmo jirtay oo uuraysiga la iska ilaalin ama si fiican la iska ilaalin (Coitus interruptus/qaabka kasaarida; ama galmada aan la isla oggolaan, tusaale ahaan.)

Gudaha Switzerland, waxaa jiro labo qabood ee ka hortaga uurka degdega ah

  1. Ka hiortaga uurka degdega hoormoonka
  2. Qalabka maarta la geliyo ilmo galeenka (maarta IUD/caaga maarta)

1. Ka hiortaga uurka degdega hoormoonka

Kani waa kaniiniga ka hortaga uurka, kaas oo ujeedkiisa muhiimka ah daahinta ugxanta.

Goorma ayaad qaadaneysaa?
Waa in la qaataa sida ugu dhaqsida badan ee suurtogalka ah, laakin waa inaysan ka dambeyn 72 ama 120 saacadood ka dib markii aad sameysid galmo aan illaalsaneyn, waxay ku xirantahay nooca ka hortaga uurka degdega ah ee la isticmaalay.

Halkee ayaad ka heli kartaa?

  • Farmashi
  • Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka galmada iyo ka hortaga uurka
  • Dhaqtarkaaga durmarka ama dhaqtar walboo kale

Waxaad u baahantahay inaad ka ogaatid ka hiortaga uurka degdega hoormoonka?

  • Haddii aad sameysid galmo dheeraad ah oo aan illaalsaneyn, ka hiortaga uurka degdega hoormoonka ee la qaatay ka hor kama hortageyso uurka. Waxaa sidaas darteed muhiim ah in la isticmaalo ka hortaga uurka sida kondhomka qaadashada kadib.
  • Ka hiortaga uurka degdega hoormoonka laguma badelo ka hortaga uurka joogtada ah (tusaale ahaan, kondhomyada ama ka hortaga uurka hoormoonka).
  • Ma ahan qaabka lagu joojinayo uurka. Haddii aad horay uur u tahay, saameyn malahan.
  • Waxaad isticmaali kartaa ka hiortaga uurka degdega hoormoonka haddii aad naas nuujineysid.
  • Haddii aad ku matagtid gudaha 3 saac ee kaniin qaadashada, la hadal qofka ku siiyay ka hortaga uurka degdega ama aad farmashiga shaqeynayo.

2. Qalabka maarta la geliyo ilmo galeenka (maarta IUD/caaga maarta)

Maarta IUD waxaa la gelin karaa ilmo galeenka (uur jiifta) ee dhaqtarka sida ka hortaga uurka degdega ah. IUD waa qalab yar ee laga sameeyay caag qafiif ah ee ku haraareysan fiilada maarta qafiif ah. Maarta waxay u mataleyso shahwada, ka hortaga ukunta inay bacrinto iyo sidoo kale badesho leemanka ilmo galeenka, oo ka hortageyso ukunta rinsan inay gasho halkaas. 

Goormee ayaa la gelinayaa?
Gudaha 5 maalmood (120 saacadood) ee galmada aan illaalsaneyn.

Halkee ayaa la gelinayaa?

  • Xisbitaalada, meesha arimaha gormad degdega qaabisho.
  • Dhakhtarka ama dhakhtarada naagaha.
  • Xafiiska la talinta arimaha galmada iyo caafimaadka ku saabsan iyo qorshada reer dhisida uu dhakhtar hogaaminayo.

Maxaan ka ogahaya maarta IUD?

  • Waa ka hortaga uurka degdega ah ee ugu wanaagsan.
  • IUD waxaa loo isticmaali karaa sida qaababka ka hortaga uurka oo dhoor sanno kadib markii lala keysiiyo.  Malahan saameyn ee wareega dabiiciga dumarka.

Sidee ayaan ku ogaanayaa haddii ka hortaga uurka degdega?

  • Si dhow uga taxadar muddadaada xigto, taas bilaaban karto xili hore ama aan ka dambeyn sida caadiga ah.
  • Samey baaritaanka uurka 3 isbuuc kadib isticmaalida ka hortaga uurka degdega? haddii:
    - muddadaada ma bilaaban,
    - muddadaada way ka duwantahay mid caadi ah,
    - waxaad horaan u qaadaneysaa ka hortaga uurka hoormoonka.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan