Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Uur Uur la joojiyi War helid iyo xaruunta talo bixinta

Uur la joojiyi War helid iyo xaruunta talo bixinta

Uur la fillen markuu so baxo wuxuu ku awuuraa xaalat murugo leh nolasha dumarka, raga ama lamaanaha. Su’aalaat asaasi ah ayaa soo baxaayo oo aad adiga/idhinga kaliye go’aamikara/taan waxeey arintaas xaaladiina ku tahay, ee aad go’aan ka gaarikartaan inaad sii wadeesaan ama joojineesaan uurka.
Sharciga federalka swiska wuxu ku dhigaya hadii uur la qaado, in uu qofka eey quseeyso la siiyo talooyin lacag la’aan ah iyo mucaawino (sharciga 857.5 soo baxay 1981). Hadii go’aan gaartit
ama weli ka shaki santihit, waxaa jiraan xaruumo caafimaat galamada iyo arimaha qorshada qoyska oo lagu aqoonsaday sharciga swiska oo laga helo war iyo talo, tageero iyo hagid.

1. Sherciga Swisska ku sabsan uur joojint

Uur jira ilaa 12 usbuuc (ka bilaabato maalinta ugu dambeeyso ee caadada), go’aanka uur joojinta waxaa iska leh haweeneeda uurka leh. Hadii eey go’aansato in ee joojiso uurka, marka eey daqtarka talo ugu tagto, waa in eey saxiixdaa warqad oo eey ku cadeeyneeso xalaadeeda walbahaar, kaaso aay si xur ah ee ugu tilmaameeso eeyna u baahneen in ee sababeeyso.

Uur joojin waa sharci waxii 12 usbuuc ka badan hadii caafimaatka jirka iyo/ama maskaxda ee haweeneeda uurka leh ee qatar ku jirto. Daqtarka waxuu ka mas’uul yahay inuu qiimeeyo qatartaas waxuuna qo’aamikaraa in arintaas wax ka qabto ama in kale. Sharciga waxuu qeexaya in : “qatarta ee sii weenaaneeso inta uu uurka sii jiraayo” (sherciga wadankan swiska Artikelka 119).

Gebdhaha 16 sano ka yar jira, waa in eey la tashtaan xarunta u gaar ka ah arimahaas. Inta badan gobolada waxaa ka jiro xaruumo caafimaatka galmada iyo qorshaha qoyska iyo howlaha dhimirka caruurta.

2. Qaababka uur joojinta

Waxaa uurka la iskeega joojinkara qaadasho daawooyin ama qalliin. Doorashada qaabka waxeey ku xerantahay rabitaanka haweeneeyda uurka leh, uurka inta uu jiro, iyo jirooyinka ama qatarta ey ku sugantahay haweeyneeda.

Qaabka daawada
Laba daawo aa isku dhaaf loo qoraa. Kan koowaat, oo ku jiro Mifepristone, waxuu keenaya joojinta uurka. Labo maalmood kadib, daawada labaat aa la siina : waa prostaglandin oo majuujinaayo minka ee keenayo, caadi ahaan saacado kadib, xinjir
ridista. Qaabka daawada waxaa la isticmaalaa isbuuca 7aad ilaa 9aad ee uurka jiro. Daawooyinka waxaa lagu qaadanaa xaruun daqtareed, isbitaalka ama gurigaaga. Mar kastabah, waxaa laga maarmeenin hubsiino dheeraat.


Qaabka qalliika
Uur joojinta waxaa lagu sameeya kabaabin guud ama gaar ah. Minka afkiisa waa la weeyneena dhoor milimetra si taxadir ah, si oo loo galiyo tubo oo dhuuqeyso waxa minka gudihiisa ku jiro.
Si loo dhooro minka afkiisa, inta qalliinka la bilaawin waxaa la marinaaya daawo oo la yiraahdo prostaglandine oo afka minka jilcineeso. Uur joojinka ee qaabka qalliinka waxaa lagu sameeya isbitaalka (bukaansocotka ama jiifin isbitaal hadii loo baahdo), ama xaruun daqtareet oo
arimahaas u qalabeeysan.

Waxaad la kulmi karto

Qaabka daawada

  • Badanaa xanuunka wee ka xoog badanyihiin kuwa aad dareento waqtiga caadada ah, wee na baaba’aayaan si deg deg ah marka la soo rido. Waxaa dhicikarta in ee sii jiro waqti ka dheer. Hadii loo baahdo xanuun baa’baiyo aa la siina.
  • Dhiig oo ka badan marka aa caadada caadiga ah imaadaan, waxee ku xerantahay dumarkisto (maalmahoo ilaa lamadoo isbuuc).
  • Dawada magaceedu yahay prostaglaindin waxay keni karta shuban yar ama labo labo.

Qaabka qalliika

  • Mar mar waxaa suurta gal ah in xanuun imaadaan qalliinta ka dhib, ama xanuun waqtiga qalliinta ee kabaabinta gaarka ah. Hadii loo baahdo xanuun baa’baiyo aa la siina.
  • Dhiig bixitaan oo badanaa ka yar caadada, waqti oo 4 ilaa 5 maalmoot.
  • Kabaabinta waxee keeni kartaa labo labo.
    .

Qatarta iyo dhibaatooyinka dhalankara

  • Qatarta aad beey u yaryihiin labada qaab boh. Dhibatooyin waaween waa dhif.
  • Ilma qaadida iyo ila dhalida wee jiree joojinta ka bacdi, ee uur qaadiskale dhaqsi eh neh waa suurta gal.

Qaabka daawada

  • Iska ridida oo dhameenstirnen ama dhiig baxid badan oo keeneeso in daawo loo qaato, ama si dhif ah minka gudahiisa la dhuuqo.
  • Qaabka oo aan lagu guuleysanin, uurkiinah uu sii jiro.

Qaabka qalliika

  • Dhawac minka afkisa iyo/ama dhinacyada minka. Infekshan, dhiig bixid badan, xinjiro oo xididka ka dhax suubsamaayo (Thromboso)
  • Soo bixin oo dhameenstirneen oo u baahan in mar labaat la soo dhuuqo.

3. Wax yaabaha la tixgaliyo marka eey suurta gal tahay kala doorashada labada qaab

Qaabka dawada

  • Kabaabin ma lahan.
  • Marka oo si deg deg iyo si cadaan go’aan la gaaro, qaabkaan waxuu suurta galinaayaa joojinta uurka mudo gaaban dhexdeed.
  • Soo ridida caadi ahaan waxee imaaneesa sacado kadib markii la siiyo daawada prostaglandine. Waxaa suura gal ah in ee kisto kar hor (si dhif ah) ama waqti kadib.
  • Joojinta waxee dhecee qofka oo dareensan.
  • Dhiig bixinta oo mudda dheer.
  • Calool xanun marka oo jiri karto soo ridida kadib.

Qaabka qalliinka

  • Qalliitanka adoo kabaabyeesan guud ama gaar ahaan.
  • Mudo dheeraat oo u heysatit si aad u gaarto go’aan.
  • Caadi ahaan qalliinta ma la sameeyo usbuuca 7aad ka hor.
  • Waqtiga oo qalliinta oo cayiman waqti hore.
  • Joojinta ma dheceeyso adigoo dareensan, hadii oo kabaabeeysan guud ahaan.
  • Dhiig bixitaan oo mudo gaaban eh iyo guud ahaan aan badneen kaliinka ka dib.
  • Xanuunyo mudo jiro neh waa dhif.

4. Qiimaha joojinta uurka

Qiimaha waxuu u kale dubanyahay. Uur joojin waxuu kuu kacikaraa 700 ilaa 3000 CHF. Qaliinka waxaa bixiyo ceymiska caafimaatka ee aasaasiga, markii laga gooyo qiimo-xadeen, iyo 10% oo adiga bixineesit.

5. Malaga baqayaa in saameen ku yeelata qalbi xanuun uur joojinta ka dib?

Saameen qalbi xanuun ween waa dhif. Uur joojinta waxee keeni kartaa dareemo iska hor imaanaayo, dareen nafis oo ku dheehaan tiiraanyo tusaalo ahaan, ama baahi in aad sameeyso tacsiyo. Arimahaas kala duban waa caadi. Dareenka ka imaanaayo uur joojinta waxee ku xerantahay xaalada maskaxeed iyo xaalada oo qofkasto ku noolyahay. Waxaa lagu guubaabinaaya in la talo raadsato marka ee sii jirto dareen tiiraanyo ama is-eedeen uur joojinta ka dib.

6. Uur joojin kadib

  • Isticmaal ka hortag sugan iyo ku aadan xaalada noolashaada waayo uur cusub aa si dag dag u yeelankartaa.
  • Ka fikir in aad iska ilaalisit cudurada laga qaado galmada
  • Raac guubaabooyinka lagu siiyay waqtiga uur joojinta si aad isla ilaalisit xubnaha taranka: isticmaal faasho, ka jooji isku tag iyo inaad qaadatit kaliya qubeyska taagnaanta (iska dhaaf waasko, meelaha dabaalsha, qobeys laanka, sauna iyo hamam) waqtigii laguu tilmaamay.
  • Ku talagal baaritaan daqtareet oo kale, adoo raacaayo talooyinka daqtarkaada.

Howlaha xarumo talo bixin ee cafiimaatka qorsha qoyska marka ee imaato uur aan la fileenin:

  • Kulamo ah afkeena-waa-isku-amaan iyo lacag la’aan ah dhamaan haween iyo rag iyo lamaano – aan loo fiirineenin da’da, meesha uu ka soo jeedo ama diintiisa, meel oo gaar ah oo mudo gaaban dhaxdeeda.
  • Fursat aad ka fikirto xaaladaada, adigoo la tashanaayo la-taliye xaga xaafimaatka galmada, u muujisit dareenkaaga, shakigaaga iyo baahidaada, inta waqti ood u baahato iyo wax Allah waxuu noqdo qo’aanka qaadatit.
  • Warhelin ku saabsan uur joojin iyo tageer gaar ama guud ee jiro si aad uurka u dhameestirtid
  • Caawinaat hababka joojint ama dhameestirid uurka.
  • Talo qabaabka kala duban ee kahortagga iyo kahortagga cudurada laga qaado galmada.
  • Wehel uur joojinta ka bacdi hadii loo baahdo.

Howla kale iyo xoogag xarumaha talo bixinta waxaa ka heleesa Internetka: www.sante-sexuelle.ch

2014, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan